4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2021
Baaritaan lagu sameeyay meydka Ugaas Xassan oo lagu ogaaday in uu u dhintay Wadna xanuun

 

Arbaco, Feberaayo, 24, 2021 (HOL) - Tan iyo markii xalay uu geeriyooday Ugaas Xassan Ugaas khaliif waxaa hadba soo baxayay warar kala duwan oo la xiriira sababta geerida Ugaaska.

Ugu horeynba xalay markii uu soo baxay warka ku saabsan geerida Ugaaska ayaa la sheegay in uu maalmihii ugu danbeeyayba uu la ildarnaa xanuunka Malaariyada taasoo sababtay geeridiisa.

Hasse ahaatee war kaa ka duwan oo uu warbaahinta siiyay Prof Axmed Muumin Warfaa ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay Ugaaska toddobaadyo ka hor laga helay cudurka Coronavirus, balse waxaa arintaa ku gacanseyrtay markii danbe Xildhibaan Farxiyo Muumin oo sheegtay in Ugaaska uusan u dhimin  Covid 19.

Balse ugu danbeyntii  cadeyn ka soo baxday Isbitaalka Madiina kaddib baaritaan lagu sameeyay meydka Ugaas ayaa lagu sheegay in uu wadnuhu is taagay.

Maalinta Berri ah ayaa lagu waddaa in meydka Ugaaska loo duuliyo magaalada Muqdisho, iyadoo maalinta Jicamahana lagu aasi doono deegaanka Halgan gaar ahaan Qubuuraha Dahara Ugaas oo ay ku aasan yihiin 19 Ugaas oo isaga kaga horreeyay saldanada. 

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Isbitaalka Madiina

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]