4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble iyo wakiilada beesha caalamka oo ka wada hadlay khilaafka doorashada

 

Arbaco, Feberaayo, 24, 2021 (HOL) -  Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilsay maanta oo Arbaco ah wakiilo ka kala socday beesha caalamka kuwaa oo maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa sidii leysugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada isku maandhafsan doorashada.

Ra'iisal Wasaaraha iyo wakiilada beesha caalamka ayaa isla soo qaaday sida loo fududeyn karo doorashada, dhinaca kalana loo soo afjari lahaa khilaafka mudaba soo jiitamayay ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in Ra'iisal Wasaaruhu u sheegay wakiilada beesha caalamka in mar walba xukuumadu diyaar u tahay qabashada doorasho ku dhacda wadar ogol  iyo waliba in ay la hadlaan dhinacyada kale ee ka aragtida duwan.

Beesha caalamka ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku howlanaa dadaalo xoogan oo lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka, iyaga oo culeys saarayay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada.

Laakiin wali waxaa muuqata in maamul gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ka biyo diidan yihiin ka qeybgalka shirka looga hadlayo khilaafka doorashada ee madaxweynuhu ku baaqay iyaga oo ku xiray sharuudo dhowr oo ay tahay marka hore in la fuliyo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]