4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 24, 2021
Puntland oo sheegtay in ay tallaabo adag ka qaadayso ciddii isku dayda in ay mudaharaad sameyso
 

Arbaco, Feberaayo, 24, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa mamnuucay mudaharaadyada, iyadoo hay’addaha nabad galyadu ay soo saareen awaamiir ku saabsan in tallaabo laga qaadayo ciddii isku dayda inay abaabusho mudaharaad.

Go’aankaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Puntland laga qaban qaabinayo iskusoo baxyo lagu taageerayo madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hay’addaha amniga ayaa sidoo kale digniin ujeediyay warbaahinta maxalliga ah iyo dadka baraha bulshada ku faafiya wararka lidiga ku ah maamulka talada haya ee Puntland islamarkaana lagu kicinayo dareenka bulshada.

Maalmo ka hor dad ay ku jiraan weriyayaal ayaa loo xiray kaddib markii codad ka duubeen dadweyne ka caraysan hadalkii madaxweyne Deni uu habeeno ka hor ku maagayay madaxweyne Farmaajo.

Magaalada Bosaso ee gobolka Bari ayaa kamid ah magaalooyinka laga dareemay abaabulka mudaharaadka, waxaana waddooyinka magaalada la dhigay ciidamo ka hortagga isku imaatinka bulshada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]