4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2021
James Swan '' Dhacdadii 19kii bishan waxey carqaladeysay shirkii doorashooyinka ee Muqdisho lagu qaban lahaa

 

Isniin, Feberaayo, 22, 2021 (HOL) - Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya Mr James Swan oo warbixin siinayay shir Golaha Amaanku uu ka yeeshay xaaladihii ugu danbeeyay dalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto cakirnaan siyaasadeed.

Mr Swan ayaa sheegay in Soomaaliya waqtigan ay ka jirto xaalad cakiran oo siyaasadeed, taasoo caqabad ku noqon karta horumarkii laga samaynayo dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga.

Wuxuu sheegay in sidoo kale xaaladaha is muuqninta iyo waliba cadaadiska ku dhisan ay helis ku yihiin guud ahaanba xaalada wadanka Soomaliya oo ah dal hadda uun  soo kabanaya.

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha doorashooyinka iyo dadaallada socda ayuu sheegay in dhacdadii 19-kii Febraayo ay carqaaladaysay shrikii lagu qaban lahaa a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Laakiin haddana dhinaca kale wuxuu James Swan intaa ku darray in ay jirto rajo ah in mar uun heshiis buuxa laga gaaro doorashada isaga tilmaamay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember 2020 u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon lahaa  in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

James Swan ayaa mar kale sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in ay dalka ka dhacdo doorasho hal dhinac ah oo aan heshiis lagu aheyn, ama kuwo kale oo is barbar socoda isaga oo dhinacyada Soomaalida ugu baaqay in ay wada hadlaan.

Hadalka James Swan ayaa imanaya xili madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ka biyo diidan yihiin ka qeybgalka  shirka Muqdisho oo ay ku xireen sharuudo dhowr ah.

Qoraal maanta ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqay labada madaxweyne in ay ka soo qeybgalaan shirka Muqdisho oo ay ku sugan yihiin saddexda madaxweyne dowlad gobolleed ee Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Qarramada Midoobey iyo guud ahaan wakiilada beesha caalamka ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyayba cadaadis weyn ku saarayay dhinacyada Soomaalida in ay gaaraan heshiis deg deg ah si dalku doorasho u aado.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]