3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2021
Saxafiyad Hoodo Gareys oo ka warbixisay, jidhdil ay ugaysteen booliska Somaliland
 

Axad, Febraayo, 21, 2021 (HOL)- Hoodo Gareys oo ah saxafiyad ka howl gasha muuq baahiyaha Horyaal, ayaa sheegtay, in ciidamada booliska Somaliland ay u gaysteen jidh dil iyada iyo hooyadeed, xili ay doonayeen in ay warqad dhaawac muujin ah gabadh dhaawaca uga soo qaadan saldhiga booliska ee xaafada Qudhac dheer ee magalada Hargaysa maalintii Jimcaha ee 19 kii bishan Febraayo.

Hoodo ayaa sheegtay in markii ay saldhiga booliska ee xafada Qudhac dheer soo gaadheen, ay askartii saldhiga joogtay u sheegeen in gaadhiga ay wateen ka qaadan meeshi markaa ay dhigeen oo ay meel kale dhigaan, ayna ka aqbashay oo ay gaadhigi meeshi ka qaaday lakin ay ciidamadu ku bilaabeen, handadaad isla markaana jidh dil iyo xabsi iskugu dareen.

“Waxaa nagu dhacday arin runtii aad u cajiiba oo runtii aanu kala kulanay, ciidamada booliska Somaliland khaasatan kuwa saldhiga Qudhacdheer, maalintii jimcihii, ayaa aniga oo inan dhaawaca sida oo uraba dhaawac muujin, ayay askartii gaadh ku igu yidhaahdeen gaadhiga meesha ka qaad, halkii horeen dhigay baan ka qaado halkay igu yidhaahdeen dhig baan dhigay, mid ciidanka ka mida ayaa igu soo dhaqaqay, markaasu igu yidhi waad kibirsantahay taadan yari waan ku aqaana yoo, kadibna waxan ku idhi waar waa maxay kibirku ma malcaamad baa la iigu kaa keenay sow maad odhan gaadhiga halkaa dhig, dee gardaro cadaana, markasu igu yidhi miyanan ku odhan ha istaagin, ana waxan ku idhi waar walaal qof dhaawacaan siday, waad edeb darantahay ayuu igu yidhi, ana waxan ku idhi waar ha i caayin adiga edeb darane, kadibna xijaab kii ayuu isoo qabtay, ana waxan ku idhi waar naga qaad faraha, kadibna gabadh askariyada iyo isagii baa iwada qabtay, laba askari oo kalena way noo yimaadeen kadibna saddex askari iyo gabadhii, ayaa idilay,” ayay tidhi saxafi Hoodo Gareys.

Saxafiyada ayaa intaa sii raacisay in ciidamada boolisku ay sidookale jidhdil u gaysteen hooyadeed oo la socotay.

“Hooyo oo gaadhiga igaga danbaysay ayaa soo dagtay, kadibna waxay tidhi waar inanta sideed leedihiin miyaad dilaysaan, kadibna iyadiina waa laygu soo daray, kadibna saddex askari oo kale ayaa hortayda ku dilay, waliba hooyaday way xanuunsanaysay oo lix habeen kahor baanu dhakhtar ka keenay, halkii baa nalagu laayay waliba inta dhulka nala jiiday, ayaa saldhigii nala galiyay, gudaha markii nala galiyay ayaa nala garaacay, taliyaha saldhigu wuu maqnaa, inta xijaabadii nalaga dhigay oo timaha nala qabtay ayaa gudaha nala galiyay, markaa taliye ku xigeenkii oo joogay ayaa laha waar ka daaya, markii danbana feedh jilib ayaa nalagu garaacay, gacan ciidan ayaa na martay, intaa waxa noo dheerayd in hoodayday madaxa gidaarka loola dhacay, oo ilaa imikana nabaradii ku yaalan, imika waxa lageeyay dhakhtarka Alxayaat, si loo eego dhibatada gaadhay”. Ayay hadal keeda sii raacisay, saxafiyad Hoodo.

Hoodo Gareys ayaa sheegtay in ay isku dayday in ay la hadasho taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland, kaasi oo ay cadalad bidaysay laakin loo sheegay in uu Jabuuti ku maqanyahay.

Sidokalena waxay sheegtay in madaxda ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ay soo booqdeen, isla markaana ay arkeen waxa ay boolisku ugaysten iyada iyo hooyadeed.

Booliska iyo xukuumada Somaliland ayaan ilaa hada midkoodna ka hadal dhacdadan.

Cabdilahi Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected] 












Click here
2/21/2021 2:39 PM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisaskii ugu dambeyay ee Caabuqa Cudurka Covid-19 ee guud ahaan dalka.

2/21/2021 12:54 PM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goordhaw qoraal kasoo saartay shirkii maanta u furmay madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo aay goobjoog ka ahayeen Wakiilo ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayay ergayga qaramada midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaana kulanka looga hadlayay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

2/21/2021 9:35 AM EST
Axad, Febraayo, 21, 2021 (HOL)- madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay wasarada beeraha ee Somaliland, ayaa sheegay in wax soo saarku yahay lafdhabarta dal kasta oo horumara isla markaana cidii aan cunto ku filan lasoo bixin ay dawladaha kale u talinayaan.

2/21/2021 9:05 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sharuud ku xirtay ka qeybgalka shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo lagu wado inuu magaalada Muqdisho ku dhex maro dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

2/21/2021 7:10 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa sheegtay in uusan jirin waddan loo oggol yahay inuu u adeegsado covid-19 si uu marmarsiiyo kaga dhigto inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah.

2/21/2021 6:52 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka bilaawday kulamo looga hadlayo khilaafka doorashada oo ay ka qeybgalayaan madaxda heer federaal, qaar ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

2/21/2021 6:36 AM EST
Axad, Febraayo, 21, 2021 (HOL)- Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa xisbiyada siyaasada ee Somaliland ku eedeeyay in ay bulshada qabaa’il ukala saarayaan, iyagoo musharixiinta ku xidhaya in ay qabaa’iladooda soo kaxaystaan si ay xisbi uga mid noqdaan.

2/21/2021 6:04 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa qareeno caalami ah u magacaabatay in ay ku matalaan dacwadda badda ee ay dowladda Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaalada ee ICJ.

2/21/2021 5:06 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Waxaa goor dhaw la xaqiijiyay geerida alle ha u naxariisteen Fannaanadii weyneyd Faadumo Cali Nakruumo oo cudurka Covid 19 ugu geeriyootay isbitaalka Martiine ee magaalada Muqdisho.

2/21/2021 4:37 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan uga socdo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ,guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha maamulada K/galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

2/21/2021 3:36 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne Cabdira maan Cabdishakuur ayaa qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaalada dalka.

2/21/2021 2:43 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si kulul uga hadlay qoraalkii ka soo baxay dowladda Iskutaga Imaaraadka Carabta oo Dowladda Soomaaliya ee xiligan jirta ku tilmaamtay KMG.

2/21/2021 12:22 AM EST
Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay qoraal ka soo baxay qaar ka mid ah dalalka caalamka oo looga hadlayay xaalada Soomaaliya ee xiligan kuwaa oo ay ku tilmaamtay in ay yihiin qoraalo marin habaabin ah