4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2021
Shir Madaxtooyada Soomaaliya uga furmay madaxda Fedaraalka iyo maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka
 

Axad, Feberaayo, 21, 2021 (HOL) - Wararka haatan naga soo gaaraya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi uu kulan uga socdo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madaxweynayaasha maamulada K/galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, marxalada kala guurka ah iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhacaya ee aanan wali lagu heshiinin waqtigeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka sidoo kale looga hadlaayo rabshadahii dhawaan ka dhacay caasimadda dalka ee dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka amar qaata midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.

Shirkan hadda ka soconaya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe aaysan wali soo gaarin magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay iney uga baaqdeen safarkooda sababo la xiriira rabshadahii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan haddu alle idmo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]