4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 20, 2021
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo diiwaan galisay kiisaskii ugu badnaa ee Covid-19 257 kiis iyo 15 dhimasho ah
 

Sabti, Feberaayo, 20, 2021 (HOL) - Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay in 48 saac ee lasoo dhaafay cudurka Covid-19 laga helay 257 qof, halka ay sidoo kale u geeriyoodeen 15 qof oo ku jiray isbitaalka Martiini.

Dadka cudurka laga helay ayaa 255 kamid ah waxaa laga diiwaan galiyay gobolka Banaadir, labo qofna waxaa laga xaqiijiyay Hirshabelle iyo Galmudug sida lagu sheegay xogta maalin laha ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Waxaa muuqata in tirada kiisaska cudurka Covid-19 ay sii kordhayso maalinba maalinta ka dambeysa, iyadoo dowladdu tilmaamayso in shacabku iska indho tirayaan kororka faafitaanka cudurka iyo dadka u dhimanaya.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa walaac ka muujisay in ay jiraan dad ka badan kuwa wasaaraddu diiwaan galisay oo ku xanuunsanaya Muqdisho gudaheeda iyo kuwa u geeriyoonaya oo aan xogtooda la haynin.

Guud ahaan, Soomaaliya ayaa laga diiwaan galiyay 5,889 kiis oo Covid-19, 3,757 bogsasho ah iyo 194 dhimasho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]