4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Jubbaland oo war ka soo saartay Iska horimaadyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) -Maamulka Jubbaland ayaa war ka soo saaray Iska horimaadyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo taageerayaasha musharixiinta mucaaraadka.

Dowlada Jubaland oo eedeyn u jeediysay dowladda ayaa  qoraal ka soo baxay lagu yiri'' Jubbaland waxaa ay nasiib daro u aragtaa in Dowlada Federaalka ah ee wakhtigeedu dhamaaday, iyadoo awoodi kartay in ay ka shaqayso sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa kala duwanaanshaha afkaaraha, in ay qaaday tallaabooyin gurracan oo ay ciidankii dalka u isticmaashay si ka baxsan sharciga, si lamid ah sida ay ka samaysay Gobolka Gedo.

Qoraal ka soo baxay Jubbaland 


Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]