4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamtay rabshadihii ka dhacay Muqdisho
 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay rabshadihii ka dhacay Muqdisho oo abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka.

Qoraal  kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu cambaareeyay in ciidamada qalabka sida loo adeegsado in lagu caburiyo muwaadiniinta.

Puntland waxay ugu baaqday dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xallin karo sifooyin kale oo ka haboon.

Wuxuu kaloo maamulka Puntland ka digay in Al-shabaab fursad loo siiyo in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaalada Muqdisho.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]