4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 19, 2021
Ciidamada dowladda oo xiray waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho

 

Jimco, Feberaayo, 19, 2021 (HOL) - Qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa xirray dhamaanba Isgoysyada iyo Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho  iyadoo loo diiddayo isticmaalka dadka iyo gaadiidka.

Xirnaashiyaha jidadkan ayaa imanaya dhinaca kale xili maanta oo Jimcaha loo madlan-yahay dibadbaxii ay ku baaqeen Midowga Musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku adkeysanaya in mudaaraadkaasi uu dhacayo dadkana ugu baaqay in ay isugu yimaadaan taalada Daljirka Dahsoon.

Iska horimaad culus oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo xoogag u daacad ah musharixiinta mucaaraadka oo xalay ka dhacay agagaarka Daljirka ayaa uga sii darray xaalada iyadoo arintan ay cabsi weyn ku abuurtay shacabka reer Muqdisho oo wali qaba baqdin la xiriirta hubanti la'aan nabaddeed iyo falcelinta ka dhalan karta haddii ay isku soo baxaan taageerayaasha mucaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in aan la ogoleyn isku imaantin kasta oo dadweyne sababo la xiriira ka hortaga faafintaan ka cudurka Covid 19 oo siweyn uga dhax jira bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dadka reer Muqdisho ayaa wali isha ku haya sida ay saacadaha soo socda wax isku badali doonaan madaama ciidamada dowladdu isku dayayaan in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa dadka ee caasimada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]