4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Xasan Shiikh oo sheegay in ciidanka dowladda ay kusoo weerareen hotel uu degen yahay isaga iyo Shariif Shiikh Axmed
 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa goor dhowayd bartiisa Facebook kusoo qoray in ay Ciidanka dowladda weerar ku soo qaadeen hotel Maida oo ku sugan yahay isaga iyo madaxweynihii hore Sharif Shiikh Ahmed.

Xasan Shiikh ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaanbax nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan.

Hadalka madaxweynihii hore ayaa kusoo aaday iyadoo uu waxyar ka hor uu istaagay iska hor imaad culus oo Muqdisho ka socday, Kaasoo u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa musharrixiinta.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka dhacay iyo cidda iska leh masuuliyadda dagaalka.

Xabbado teelteel ah ayaa weli laga maqlayaa agagaarka daljirka Dahsoon halkaas oo ay berrito mudaharaad balaaran ku qabanayaan mucaaradka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]