4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Midowga Yurub: Waa in laga fogaadaa ficilada iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara rabshado ama qalalaase ka dhasha mudaharaadka Muqdisho
 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Midowga yurub ayaa sheegay in laga fogaado ficilada iyo ereyada xanafta leh ee keeni kara rabshado ama qalalaase ka dhasha mudaharaadka midowga musharrixiinta mucaaradka ka sameynayaan Muqdisho jimcaha berrito ah.

Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Muqdisho, Nicolas Berlanga  ayaa sheegay, In kasta oo la ixtiraamayo xaqa hadalka iyo banaanbaxa, hadana wuxuu sheegay in lagu dhaqmo xakameynta cawaaqib xumada ka dhalan karta isku imaatinka.

Hadalka kasoo yeeray safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa yimid xilli dowladda Maraykanka ay iyaduna dhankeeda kula talisay muwaadiniinteeda in ay ka fogaadaan mudaharaadka laga abaabulayo Muqdisho.

Dhinaca kale, magaalada Muqdisho oo maanta lagu waday inuu ka dhacdo shirka madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay, ayaa qabsoomi waayay, waxaana xusid mudan in aanay weli halkaas tegin madaxda dowlad goboleedyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]