4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Maraykanka oo muwaadiniintiisa ku sugan Soomaaliya kula taliyay in ay ka fogaadaan mudaharaad ka dhacaya Muqdisho
 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Soomaaliya waxay ugu digtay inay ka fogaadaan banaanbaxyo la filayo inay maalinta berrito ah ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Dowladda Maraykanka ayaa ka digaysa in mudaharaadyada ay ka dhashaan rabshado iyo kacdoon shacab, waxayna muwaadiniinta Mareykanka ugu baaqday inay ka fogaadaan goobaha ay ka dhacayaan.

Musharrixiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay mudaaharaad looga soo horjeedo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo, iyagoo diidan dib u dhac howlaha doorashooyinka dalka.  

Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday isku imaatinada bulshada, waxayna tani keeni kartaa isku dhac dhexmari kara ciidanka dowladda iyo ciidamada ilaalada musharrixiinta.

Xiisadaha ka dhalan kara mudaharaadka berrito la filayo, ayaa goor horeba lagasii dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana mucaaradka ay doonayaan in ay awood ciidan ku difaacaan mudaharaadayaasha isku imaanaya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]