4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Jenaraal Abuukar Xuud oo fariin adag u diray dowladda Soomaaliya kana hadlay xiriirka kala dhaxeeyo CC Shakuur
 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ayaa ka hadlay arrimo badan oo xasaasi ah.

"Waa nasiib darro in dowladda Soomaaliya aay iska indho tirto rabitaanka shacabka reer Hiiraan oo aay shirarka looga arrinsanaayo aayaha dalka ka qeyb galiso Cali Guudlaawe oo sheegto inuu yahay madaxweynaha Hirshabeelle oo aanan matalin shacabka reer Hiiraan, waana la iskula xisaabtami doona" ayuu yiri Jenaraal Abuukar Xuud.

Waxaa sidoo kale Jenaraal Abuukar Xuud wax laga weydiiyay xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu sheegay inuusan wax xiriir ah ka dhaxeynin balse aay ka siman yihiin iney qabaan hal cudur oo isku mid ah oo la yiraah Hirshabeelle iyo Nabad iyo Nolol C/raxmaan waxuu u halgamaya inuu meesha ka saaro Nabad iyo Nolol ana Hirshabeelle ayaan doonaya inaan dadka reer Hioraan ka hor leexiyo ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Jenaraal Abuukar Xuud iyo ciidankiisa hubeysan ayaa muddo ka badan seddax bilood ka hortaagan in magaalada Baledweyne lagu Caleema saaro madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe oo qorshahiisu ahaa inuu isku Caleema saaro Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]