4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 18, 2021
Maxamed Dheere oo si KMG loogu magacaabay Wasiirka Maaliyada Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle

 

Khamiis, Feberaayo, 18, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudllaawe ayaa si KMG xilka Wasiirka Wasaarradda Maaliyada iyo hormarinta Dhaqaalaha ugu magacaabay Maxamed Maxamuud Cabdulle [ Maxamed Dheere] oo horay Wasaarraddan u soo maamulay.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa xilka Wasiirka Maaliyada looga qaaday Cabdishakuur Abuukar Xassan.

Maxamed Dheere ayaa  ahaa musharixii la tartamay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hadda ah madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Magacaabistan ayaa noqoneysa mid KMG madaama wali guud ahaan aan si rasmi ah loo soo wada magacaabin xubnaha Golaha Wasiirradda Hirshabeelle kuwa hadda sii shaqeynayana yihiin Golihii Wasiirradda Maamulkii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdi Waare.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]