4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 17, 2021
Gabadh Soomaaliyeed oo soo bandhigtay dhibaatada ay kala kulantay nolasha tahriibka, farriina u dirtay dhalinyarada tahriibka ku haminaysa
 

Arbaco, Feberaayo, 17, 2021 (HOL) - Aasiya Cali Aadan oo ah gabadh Soomaaliyeed oo ku dhalatay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay dhibaatada ay kala kulantay safarka halista badan ee tahriibka, kadib markii Soomaaliya uga carartay xaalad nabad-gelyo xumo darteed.

Aasiya oo lagu wareystay barnaamij ku saabsan xaqiiqada tahriibka, ayaa ku sheegtay in ay dooneysay inay gaarto hamigeeda, iyadoona go’aansatay inay ka tagto dalkeeda Soomaaliya oo ay tagto Yurub, iyada oo sii mareysa dalka Masar.

Waxay safarkeedii ugu horreeyay ku aaday dalka Kenya, iyada oo waalidkeed u sheegtay inay halkaas u aaday sidii waxbarashadeeda ay u sii wadan lahayd. Iyada oo joogta magaalada Nayroobi, ayay la xiriirtay makhalasiin kaddibna waxaa loo qaaday dalka Uganda, iyadoo lagu qariyay gaari yar kaddibna waxaa la geeyay magaalada Jubba ee dalka Koonfurta-Sudan.

Intii ay joogtay magaalada Jubba, iyada iyo gabdho kale oo Soomaaliyeed waxaa ay raaceen mukhalas, kaddibna dhammaantood waxaa la geeyay magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan, halkaas oo ay kala kulmeen sillac iyo rafaad aan lasoo koobi karin.

“Waan cabsan jirnay. Waxaan iska xiri jirnay albaabbada, ma seexan jirin habeenkii oo dhan cabsi darteed. Waxaan seexan jirnay dhowr saacadood ka dibna waanu kici jirnay. Ma helin hurdo nagu filan,” ayay tiri Aasiya oo farriin gaar ah u diraysa gabar kasta iyo wiil kaste oo Soomaaliyeed oo ku haminaya inuu tahriib galo.

Muddo kadib Aasiya Cali waxay gaartay Qaahira, iyadoo rajeynaysay inay sii wadato safarkeeda Yurub, laakiin waxay ogaatay in dowladda ay xirtay waddada tahriibka. Waxayna hadda ku nooshahay Qaahira iyada iyo gabadheeda yar.

Aasiya, waxay haatan dareemeysaa inay nolosheeda khasaartay. Waxayna u sheegaysaa qof kasta oo weydiiya talooyinkeeda ku aadan safarka Masar iyo mukhalasiinta in aysan wakhti ku lumin. Waxayna sheegtay in ay ka qaateen lacagteedii oo idil ayna ku maaweelin jireen in ay Yurub geynayaan.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]