4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2021
Taliye Nuur Dheere oo beeniyay inuu xalay weeraray guddoomiyaha gobolka Hiiraan
 

Jimco, December, 31, 2021 (HOL) - Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo katirsanaa saraakiishii la baxay badbaadada Hiiraan ayaa beeniyay inuu weerar ku qaaday kalonyo uu hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Isagoo maanta la hadlayay warbaahinta gudaha, ayuu sarkaalkaan sheegay, in gurigiisa lagusoo weeraray ayna ka dambeeyaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan, madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Taliyaha ciidaanka Booliiska Hirshabeele iyo saraakiil kale.

Nuur Dheere wuxuu sheegay inuu hayay xog la xiriirtay in weerar lagusoo qaadayo, ujeedkuna uu yahay in lasoo afjaro cid kasta oo ka hor timaada ujeeddooyinka maamulka Hirshabeelle.

“Gurigayga ayaa la igusoo weeraray, ummadda reer Hiiraan ayaa og xabbadu meeshay ka dhacaysay,”ayuu yiri Taliye Nuur Dheere .

Wuxuu sheegay inuu jiro khasaare labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

Wuxuu sheegay sarkaalkaan in marar badan uu ugu dulqaatay maamulka gobolka Hiiraan iyo Hirshabeelle, in ay ciiddamadiisa kaasoo saareen xeryo ay degaanyeen, haatanna wuxuu sheegay in hoygiisii lagu nabad galin waayay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online