4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2021
Maamulka gobolka Hiiraan oo war kasoo saaray dagaal xalay ka dhacay magaalada Baladweyne
 

Jimco, December, 31, 2021 (HOL) - Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa maanta degen kaddib dagaal ciidamada dowladda iyo ciidamo uu watay sargaal lagu magacaabo Nuur Dheere oo Hirshabelle kasoo horjeeda, uu xalay ku dhaxmaray xaafadda Kooshin ee magaalada Beledweyne.

War-saxaafaddeed kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in dagaalku ka dhashay kadib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo masuuliyiin la socday oo kasoo laabtay degmada Feerfeer ay rasaas huwiyeen ciiddan uu watay Nuur dheere.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay isagoo ka jawaabayay dhacdadaas inuu qaaday howlagal lagu soo afjarayay waxay ugu yeereen burcadii Jidka u gashay masuuliyiinta heer Maamul iyo heer wasiirro.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafaddeedka kasoo baxay maamulka gobolka Hiiraan.

Warsaxaafadeed

Xili aay saacada ku beegneed abaare  (7) Todabadii  dii fiidnimo Tariikhdane aay aheed (30 December 2021) Xili aay safar shaqo aay kaga  soo laabteen Deegmada Feer-Feer  Gudomiyaha Gobalka hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan Wasiirka Tamarta iyo biyaha Maamulka Hirshabele Taliyaha Guutada 5 aad  Taliyaha qeybta Booliska  Gobalka hiiraan iyo masùlinyin ka tirsan Maamulka gobalka Hiiraan  oo ku guda jiray Howlahooda wajib gudashada shaqada qaran ayaa waxaa Rasaas hugiyey Gaarigii Aay saarnayen Gudoomiyha Gobalka iyo masuuliyiinta kale Maleeshiyaad hubeeysan oo u Hogaaminayay Shaqsi lagu magacaabo Nuur dheere Halkaas oo aay si arxan  daro ah Aay rasaas ula dhaceen kolanyada uu Hogaaminayay Gudoomiyaha iyo shacakii ku sugnaa Goobta.

Ayadoo falalka nuuucan  oo kale ah aay caado u Aheed  kooxaha nabad diidka ah in kolanyo Dowladeed weerar lagu qaado waxuu Ahaa fal-Hugan Halistiisa waxaane la Horgeyn doona Maxkamada awooda u leh Cidii ka Dambeeysay.

Falkaas kadib ciidamada qalabka sida Ayagoo ka duulayo masuuliyada amni ee saaran iyo Falka dhacay ee lagu weeraray masuuliyiinta ku Guda jiray waajib Gudashadooda shaqo waxeey sameeyen howlagal lagu soo afjaraayo   Burcadii Jidka u Gashay masuuliyiinta heer Maamul iyo heer wasiiro.
Waxaana lagu soo qabqabtay hub iyo Maleeshiyaadkii dagaalamayay .

Maamulka gobalka Hiiraan ee Dowlad Gobaladeedka Hirshabele  waxaa masuuliyad Aay ka saaran tahay Ka shaqeynta Amniga iyo xasiloonida guud ee Gobalka  cidna laga Aqbali Maayo Qal-qal Gelinta Amniga iyo xasiloonida magaalada Beladweyne .

Ayadoo hada amniga guud ee magaalada aay Si buuxdo u ilaalinayan Ciidamada Qalabka Sida ee soomaaliyeed.

Madaxda sare ee  Maamulka Hirshabelle iyo Maamulka gobalka Hiiraan  waxuu Tacsi u Dirayaa shacabkii aay wax yeelada ka soo Gaartay falkaas foosha xun inta dhaawaca Ahne eebe cafmaad Taama ha siiyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online