4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2021
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka oo dalbaday in baaritaan hufan lagu sameeyo dilka Sheikh Maxamed Xasan
 

Jimco, December, 31, 2021 (HOL) - Waxaa shalay oo khamiis ahayd magaalada Colombus ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka lagu aasay allaha unaxariistee Sheikh Maxamed Xasan oo kamid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ku nool waqooyiga Maraykanka.

Sheikh Maxamed Xasan oo la waayay 22kii bishaan, ayaa maydkiisa laga helay meel duur ah 25 kii isla bishaan, isagoo ay jirkiisa ka muuqdaan rasaas ay kooxo burcad ah ku dileen.

Illaa iyo hadda ma jirto cid loo qabto dilkiisa.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Ohio ayaa dowladda Maraykanka ka dalbaday in baaritaan hufan lagu sameeyo ciddii ka dambeysay dilka wadaadka Soomaaliyeed.

Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cumar oo muddo dheer madax u ahaa guddiga imaamyada ee Soomaalida Maraykanka, ayaa sheegay in aanay garanayn sababta dowladda war ugasoo saari la’dahay dilka Sheikha.

Sheikh Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in Sheikh Maxamed Xasan si cad loo dilay, maydkiisana lagu xooray meel duur ah, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay in aan illaa iyo xilligan loo haynin cid lagu tuhmayo in ay ka dambeyso dilkiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online