4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 31, 2021
UK oo raysal wasaare Rooble u xaqiijisay in ay taageersan yihiin shirka golaha wadatashiga qaran ee doorashada

Jimco, December, 31, 2021 (HOL) - Dowladda UK ayaa xiriir ay la sameysay raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble waxay mar kale u xaqiijisay taageeradooda ku aadan shirka golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Afrika ee UK, Vicky Ford, oo qadka taleefoonka kula hadashay raysal wasaare Rooble, ayaa kala hadashay in si degdeg ah wax looga qabto walaacyada doorashada loona helo natiijo degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.

“UK waxay ku celinaysaa taageeradeeda kulanka golaha wadatashiga qaran si wax looga qabto walaacyada doorashada loona helo natiijo degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa inay ka fogaadaan falalka kicinta ah oo ay ka fogaadaan rabshadaha,” ayay tiri Vicky Ford.

Baaqyada kasoo yeeraya beesha caalamka ayaa ah kuwa isisoo taraya maalmihii ugu dambeeyay, kadib markii  khilaafkii labaad uu soo kala dhex galay raysal wasaaraha iyo madaxweynaha.

Beesha caalamka ayaa si buuxda u garab istaagtay raysal wasaare Rooble, iyadoo ujeeddadu ay tahay dhameystirka doorashada barlamaanka iyo tan madaxweynaha.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online