4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Dagaal culus oo Caawa ka socda magaalada Baledweyne

Arbaco, December, 29, 2021 (HOL) - Dagaal culus oo la isku adeegaanaayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka socda haatan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo maqribnimadii Caawa ka qarxay.

Dagaalka ayaa lasoo warinayaa inuu u dhaxeeyo ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamo ka amar qaata sarakaal lagu magacaabo Nuur Dheere, waxuuna ka socda Xaafada Kooshin ee magaalada Baledweyne.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laba ruux oo shacab ah ay ku dhinteen dagaalka socda dhaawacana uu ku dhaw yahay ilaa 10 ruux oo shacab ah walow khasaaraha intaasi kasii badan karo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalkan caawa ku dhexmaraya ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidanka ka amar qaata Sarkaalka lagu magaaco Nuur dheere oo horay usoo noqday guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Sh/dhexe.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online