4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Jeneraal Xijaar oo ciiddamada booliiska Soomaaliya kaga digay in ay siyaasada ku milmaan
 

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa ciidanka booliiska uga digay inay ku milmaan arrimaha Siyaasadda.

Taliyaha oo isugu yeeray qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciiddmada booliiska iyo hoggaanadooda qeybaha, ayaa ku baraarujiyay in ay noqdaan kuwo nadiif ka ah shaqadooda wax aan ka ahayn.

“Waxaan saakay isugu kiin yeeray in ciiddanka Booliiska Soomaaliyeed ee aad idinku hoggaaminaysaan, in marxalada dalka la maraayo ay noqdaan dad  nadiif ah, ay nadiif ka noqdaan siyaasada, ay nadiif ka noqdaan shaqadooda wax aan ahayn,” ayuu yiri taliye Xijaar.

Taliyaha ayaa sheegay in loo baahan yahay shaqada ciiddanka booliisku in ay ku ekaato sugida amniga guud ee dalka iyo amniga doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Waxaanu mas’uul ka nahay aniga musharraxiinta, waxaanu mas’uul ka nahay ergooyinka wax dooranaya, waxaana mas’uul ka nahay amniga shaqaalaha loo igmaday in ay doorashada daadihiyaan, waxaana amsuul ka nahay qalabka doorashada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jeneraal Xijaar.

Kulankaan uu taliyaha booliisku la qaatay saraakiisha ciiddanka iyo qeybaha hoggaanada ayaa kusoo beegmay, iyadoo aad welwel looga qabo in ciiddmaada dowladda ay ku dhex milmaan arrimaha siyaasada.

Shalay taliyaha ciiddanka xoogga dalka ayaa sidaas oo kale la kulmay saraakiisha ciiddamada xoogga, isagoo kula dardaarmay in laga fogaado in ciidamadu la kala saftaan dhinacyada siyaasada isku haya.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online