4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Puntland oo hub iyo darees cusub u qeybisay ciiddanka PSF ee ka amar qaata agaasimaha cusub

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Puntland ayaa hub iyo darees cusub u qeybisay ciiddanka PSF, sida uu sheegay agaasimaha cusub ee ciiddankaas sareeyo guuto Maxamed Aamiin Xaaji Kheyr.

Agaasimaha PSF ayaa hadalkaan ku sheegay kadib markii booqasho ku tagay saldhigyo ciiddanka PSF ku leeyihiin buuralayda Galgala, si uu usoo ogaado daruufaha haysta ciiddanka iyo agabkooda.

Wuxuu sheegay dareeskii ciiddankii PSF lahaayeen inuu gacan u galay wuxuu ku tilmaamay cadowga Puntland, waxaana qaar kamid ah dareeskii hore ciiddanka PSF lagu gubay goob fagaare ah.

Ciidamada PSF ayaa xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay agaasimhii hore ee PSF, waxay gadood ay sameeyeen kagasoo baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen aaggaga Galgala.

Hase yeeshee, qaar kamid ah oo kusoo biiray taliyaha cusub iyo kuwa kale oo ka yimid qeybaha kale ee ciiddamada ayaa dib loogu xoojiyay saldhigyadii ay baneeyeen ciiddankii PSF.

Dhinaca kale, wada hadalo lagu doonayo inuu xilka ku wareejiyo agaasimihi hore ee PSF ayaa ka socda magaalada Boosaaso, iyagoo ay halkaas ku sugan yihiin wafuud dhex dhexaadineed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online