4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Taliska ciiddanka xoogga dalka oo sheegay in Alshabab ku jabiyeen weerar ay saakay kusoo qaadeen degmada Balcad

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa  sheegay in ay dileen ugu yaraan sagaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo saakay weeraray degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.

Taliska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u waramay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa xaqiijiyay in weerarka Alshabaab kusoo qaadeen degmada Balcad ay ku geeriyoodeen shan qof oo rayid ah dad kalena uu dhaawac soo gaaray.

Taliska ayaa intaa ku daray inay fashiliyeen iskudayga Alshabaab ay ku damacsanaayeen in ay kula wareegaan degmada Balcad ee 30 km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada Mudisho, ahna marin muhiim ah oo isku xira  Muqdisho iyo Jowhar.

Xaaladda magaalada ayaa hadda daggan, waxaana soconaya howl-gallo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku baacsanayaan Al-shabaab, sida lagu sheegay war lagu qoray Wakaaladda SONNA.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa saakaydii hore sheegtay in ay la wareegeen gacan ku haynta degmada Balcad, iyagoo sheegay in ay halkaas ku dileen hal askari iyo dhaawaca kuwo kale.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online