4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Baarlamaanka dalka Itoobiya oo meel mariyay bayaanka wadatashiga ee heer Qaran
 

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Golaha Wakiilada Itoobiya oo kulan degdeg ah isugu yimid ayaa waxay ansixiyeen bayaanka aasaaska guddida wada tashiga ee heer Qaran, ee uu dhawaan soo gudbiyay Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed.

Guddidan ayaa waxay ka shaqayn doonaan sidii loo qaban lahaa kulan wadatashi oo ay isugu imaan doonaan qawmiyadaha wada dega dalka Itoobiya, iyadoo kulankaasi uu noqon doono mid xal waara loogu helo dhibaatooyinka ka taagan dalka Itoobiya.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed iclaamiyay inay muhiim ay tahay, in shacabka wada dega Itoobiya ay isugu yimaaddaan kulan ballaaran oo ay kaga tashanayaan xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya.

Waxayna tani kusoo hagaagaysaa xilli muddo sannad ka badan uu socday dagaal lagu hoobtay oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, kaas oo markii dambe keenay in TPLF oo dhul ballaaran ka haysatay Axmaaro iyo Canfar, dib looga saaro dhulkaas, laguna celiyo degaankoodii Tigray.

Abdilahi Jowhar, Hiiraan Online
[email protected]