4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 30, 2021
Coldoon oo markii ugu horaysay maxkamadda horteeda iska difaacay
 

Khamiis, December, 30, 2021 (HOL) - Sida lagu daabacay boga Facebook-ga ee Cabdimaalik Muuse Coldoon, Coldoon ayaa markii ugu horaysay maxkamada horteeda iska difaacay eedaha lagu soo oogay kadib muddo 130 cisho oo uu xidhanyahay.

"Waxa ay ahayd in maanta la maxkamadeeyo kuwii keenay Joy Isa iyo Anderson Cooper ee aan aniga la i maxkamadayn, eedaha ay soo qoreen booliska iyo xeerilaalintu waa kuwo been-abuur ah oo lagu majarahabaabinayo runta" ayuu Coldoon garsooraha kula garnaqsaday sida uu qoray maamulka boga Facebook-ga ee Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Coldoon ayaa ku adkaystay eedaha uu u jeediyay dugsiga Abaarso, oo dhibane ka ah, isagoo ku celiyay in u jeedo loo furtay "Dugsiga abaarso laba arimood baan ka sheegay labaduba waa dhab, waxa aan ka sheegay in gaalada furatay dugsigaa aanay bilaa ujeedo u furan ee ay u jeedo fog ka leeyihiin jiilkeena  soo socda".

Coldoon waxa uu ku dooday in xadhigiisu uu cadaalad daro yahay, oo hadii uu cadaalad ahaan lahaa aan Burco laga soo qaadeen "Maxaa Burco la ii soo dhaafiyey haddii ay cadaaladi jirto illeen Burco-ba maxkamad iyo jeelba way leeedahaye ?! ".

Wali go'aan rasmi ah lagama gaadhin dacwada eedaysane Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka socota Maxkamada Gobolka Maroodijeex. Eedaha loo haysto ayaa waxa ugu wayn in uu ka been abuuray Shabakada Dugsiyada Abaarso.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]