4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 29, 2021
Jeneraal Odawaa oo kaga digay ciiddanka xoogga dalka in ay ku dhex milmaan siyaasada
 

Arbaco, December, 29, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka milatariga Soomaaliya Jeneraal  Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciiddamada xoogga dalka uga digay in ay ku dhex milmaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira madaxda dalka.

Taliye Odawaa ayaa ku amray dhammaan ciiddamada xoogga in ay heegan buuxa galaan islamarkaana ay ka howlgalaan xerooyinka ay leeyihiin, wuxuuna kula dardaarmay in aanay marnaba raali ka noqon burburinta qarankooda.

" Waxaan rabaa inaan u sheego saraakiisha halkaan fadhida in aan ilaalino wixii aan shalay u dhaaranay, inaan ilaalino wadajirka ummaddeena, inaan ilaalino kalsoonida bulshadu nagu qabaan oo aan muujino isku xirnaan," ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Hadalkaan ayuu taliyaha ciiddanka xoogga dalka ka sheegay kulan uu la qaatay qaar kamid ah ciidanka milatariga Soomaaliya, kuwaas oo uu kala hadlayay in ay ka feejignaadaan in loo adeegsado dano lagu burburinayo qaranimada Soomaaliya.

Qaar kamid ah ciiddamada milatariga ayaa ku biiray ciiddanka badbaado qaran, kuwaas oo ka amarqaata golaha midowga musharraxiinta.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online