4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 29, 2021
Uhuru Kenyatta iyo xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo wada hadal ka yeeshay arrimaha Itoobiya, Soomaaliya
 

Arbaco, December, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony J. Blinken, ayaa wada-hadallo nabadeed ka yeeshay Itoobiya iyo Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in wadahadalka labada mas'uul uu ku qotomay arrimaha amniga gobolka ee danaha labada dal, oo ay ku jiraan xaaladaha Itoobiya iyo Soomaaliya.

"Itoobiya, waxay ku heshiiyeen baahida degdega ah ee joojinta colaadaha, gargaarka bini'aadantinimo ee aan la xannibin, joojinta xad-gudubyada xuquuqda aadanaha iyo in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Dhanka Soomaaliya, Xoghayuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in madaxda qaranka iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay si degdeg ah u soo gebagebeeyaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha oo laga ilaaliyo wax is-daba-marin khatar gelinaysa kalsoonida natiijada doorashada.

Xoghayaha wuxuu mar kale ku celiyay diidmada Mareykanka ee isku dayga shaqo ka joojinta Ra'iisul Wasaare Rooble, waxayna labada dal ku heshiiyeen in dhammaan dhinacyada ay iska ilaaliyaan hadallada colaadda sii hurinaya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online