4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Barlamaanka Koonfur galbeed oo xasaanadii kala noqday saddex xildhibaan oo Lafta gareen mucaarad ku ahaa
 

Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa xasaanadii ka qaadey 3 xildhibaan oo tirsan Baarlamankooda, ka dib markii Xafiiska Xeer ilaaliyaha Koonfur galbeed uu ku eedeeyay in ay galeen dambi kicin  bulsho ah.

Xildhibaanadan xasaanada laga qaaday ayaa lagu magacaabaa, Ismaacil Ahmed Cabdullahi, Xasan Maxamed Guudow iyo Ibraahim Macalin Cali.

Xil ka qaadidooda waxaa u codeeyay 38 mudane, 10 xildhibaan ayaa kasoo horjeesatay oo diiday, halka 15 kalena ay ka aamuseen codka loo qaaday.

Tallaabadan uu qaaday barlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ka dhigan in saddexdii mudane guud ahaan laga saaray barlamaanka, iyagoo beelaha ay kasoo jeedaan ay cid kale kusoo beddeli doonaan.

Lama oga in ay ku qancidoonaan go'aanka barlamaanka Koonfur galbeed ama in ay maxkamadaha ka furan doonaan dacwad ka dhan ah hannaanka loo maray in xasaanada lagala laabto,

Xildhibaannadan ayaa ahaa  kuwo aragti ahaan kasoo horjeeday madaxweyne Laftagareen, iyagoo dhaleecayn jiray siyaasada maamulkiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online