Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo dalbaday in Farmaajo si deg deg ah uga baxo Madaxtooyada Soomaaliya
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray War saxafadeed ay kaga hadlayaan xaalada siyaasadeed ee dalka, islamarkaana ay ku cambaareeyeen isku day ay ku sheegeen inuu ahaa afgambi dhicisoobay.
War saxafadeedka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale waxay ku dalbadeen in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo, islamarkaana dacwad lagu soo oogo Farmaajo iyo intii kale ee ku gacan siisay afgambigii shalay fashilmay.
Golaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay raysal wasaraaha Soomaaliya go'aanka geesininada leh ee uu ka qaatay isku daygii lagu afgambin rabay, islamarkaana uu ku shaaciyay in dalka uu aadayo doorasho xor iyo xalaal ah.
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta iney dalbanayaan in madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday si deg deg ah uga baxo xaruunta madaxtooyada Soomaaliya, si ay meesha uga baxdo carqaladaha iyo shirqoolada uu kasoo maleegayo madaxtooyada.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]
Barlamaanka Koonfur galbeed oo xasaanadii kala noqday saddex xildhibaan oo Lafta gareen mucaarad ku ahaa
12/28/2021 4:03 PM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa xasaanadii ka qaadey 3 xildhibaan oo tirsan Baarlamankooda, ka dib markii Xafiiska Xeer ilaaliyaha Koonfur galbeed uu ku eedeeyay in ay galeen dambi kicin bulsho ah.
Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta lagu doortay magaalada Kismaayo
12/28/2021 9:49 AM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo noqonaya Xildhibaanadii ugu horeeyay ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland oo la doortay.
Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo NISA ka dalbatay iney soo gudbiso warbixin la xariirta xariga Mukhtaar Rooboow
12/28/2021 4:11 AM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faray taliyaha kumeel gaarka ah ee hay'adda NISA inuu muddo 48 saac gudahooda kuso gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xariirta xariga Mukhtaar Roobow Cali.
Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo digniin culus u jeediyay ciidamada dowladda
12/28/2021 1:29 AM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya oo shir jaraa'id si wadajir ah u qabtay ayaa waxay sheegeen in lala xisaabtami doono shaqsiyaadkii soo abaabulay afgambigii dhicisoobay.
Beesha caalamka oo ka digtay in xiisada siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya lagu xalliyo xoog
12/28/2021 1:20 AM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, waxayna madaxda Soomaaliya ugu baaqeen inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee haatan kacsan.
Ilhaan Cumar: Waa inuu iscasilo Farmaajo oo doorashada daahday si degdeg ah loo qabto
12/28/2021 1:02 AM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka koongareeska dalka Maraykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu iscasilo islamarkaana dalka doorasho degdeg ah laga qabto.
Ciidamadii badbaado qaran oo dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho
12/28/2021 12:35 AM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Ciidamadii badbaado qaran ayaa xalay mar kale dib gudaha ugusoo galay magaalada Muqdisho, iyagoo saldhigyo ka sameystay degmooyinka Hodan iyo howlwadaag.
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu dooranayo magaalada Kismaayo
12/28/2021 12:30 AM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose lagu qabto doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay gobolka Jubba Hoose.
Madaxweyne Biixi: "Madaxweyneyaal badan la samayn maayo, xaraan bay ka tahay"
12/28/2021 12:07 AM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabay hadalkii musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee ahaa "in madaxweynayaal badan iman doonaan hadii xisbiyo badan la furo", ayaa sheegay in Somaliland madaxweyne kaliya uun yeelan doonto, doorasho kastana wakhtigeda lagu qabanayo.
Kooxda TPLF oo weeraro hor leh ku qaaday qaybo kamid ah degaanka Canfarta
12/28/2021 12:05 AM EST
Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Kooxda TPLF ayaa weeraro cusub waxay ku qaadeen qaybo kamid ah degaanka Canfarta, sida uu warbaahinta u sheegay masuul u hadlay dowlad degaanka Canfarta.
Somali News
Somali-American lawmaker Ilhan Omar asks Farmaajo to resign as U.S warns of action
-
HOL
12/28/2021 1:47 AM EST
WASHINGTON (HOL) - Somali-American congresswoman Ilhan Omar has demanded that President Mohamed Farmaajo steps down amid an ongoing escalation of tension in Mogadishu.
US warns it would punish political spoilers
-
HOL
12/28/2021 1:41 AM EST
Mogadishu (HOL) - The international community has called on Somalia’s stakeholders and leaders to immediately deescalate the “rising political tensions” after Somalia’s President issued a decree that unilaterally suspended the Prime Minister over accusations of misappropriation of state property.
Taiwan donates 150,000 doses of Medigen vaccine to Somaliland
-
Taiwan News
12/28/2021 12:30 AM EST
The Ministry of Foreign Affairs (MOFA) on Tuesday (Dec. 28) announced it will donate 150,000 doses of Taiwan's domestically-developed Medigen vaccine (MVC-COV1901) to Somaliland.
Somalia's international partners 'deeply concerned' over political standoff
-
Anadolu Agency
12/28/2021 12:24 AM EST
Somalia's international partners expressed deep concern Monday over the latest developments in the country.
CPC expects to start oil exploration in Somaliland as early as 2023
-
Focus Taiwan
12/28/2021 12:16 AM EST
CPC Corp., Taiwan, the country's state-owned oil supplier, is expected to start oil exploration in Somaliland in 2023 at the earliest after signing a deal to take a stake in an oil field in the East African state.