4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo NISA ka dalbatay iney soo gudbiso warbixin la xariirta xariga Mukhtaar Rooboow
 

Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa faray taliyaha kumeel gaarka ah ee hay'adda NISA inuu muddo 48 saac gudahooda kuso gudbiyo warbixin dhameystiran oo la xariirta xariga Mukhtaar Roobow Cali.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in qoyska Mukhtaar Rooboow iyo wakiilada matala ay cabasho ka muujiyeen xaalada Caafimaad, islamarkaana ay doonayaan iney cadaalad helaan.

“Maadama ay si joogta ah ula soo xiriirayeen ehelada iyo wakiilada metala doorasheedka uu kasoo jeedo ayaga oo ka cabanaya in laga warheyn caafimaadkiisa iyo badqabkiisa, sidoo kale dalbaday in loo helo cadaalad maadama uu xiran yahay mudo aad u dheer” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xafiiska wasaasaradda amniga ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Mukhtaar Rooboow ayaa xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho, tan iyo markii xabsiga la dhigay bishii Decembar sanadkii 2018-kii, waqtigaas oo uu ahaa Musharax madaxweyne ee maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana doorashada ay ka harsaneyd muddo kooban, waxaana xarigiisii uu sababay qalalaase abuuray isku dhacyo keenay iney dad ku dhintaan oo dhexmaray ciidamada Koonfur Galbeed iyo dad shacab ah.

Hoos ka akhriso Qoraalka Wasaaradda Amniga.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online