4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo digniin culus u jeediyay ciidamada dowladda
 

Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya oo shir jaraa'id si wadajir ah u qabtay ayaa waxay sheegeen in lala xisaabtami doono shaqsiyaadkii soo abaabulay afgambigii dhicisoobay.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa dhankiisa sheegay in afgambi dhicisoobay oo laga soo abaabulay xafiiska madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo la fashiliyay.

“Waxaa Nasiib wanaag ah qaar ka mid ciidamada Madaxtooyada, kuwa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka hortagay iskudayga Afgambiga dhicisoobay, qaar ka mid ah askarta la qalday waa ay ka soo laabteen qaladkooda, balse waxaa jirta kuwo weli qaladkooda ku taagan, sharciga ayaana la marsiin doonaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada dowladda iney difaacaan qaran oo ay ka hortagaan wax walba oo carqaladeyn kara nabadda iyo geedi socodka doorashada dalka uu masuulka ka yahay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Dhinaca kale wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Xilgaarsiinta Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ku amray ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iney dhowraan dhex dhexaadnimadooda sida ku cad Dastuurka dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in lagu jiro waqti kala guur ah loona baahan yahay in ciidamada ay ilaaliyaan sharciga, islamarkaana ay u hogaan samaan xeerarka iyo anshaxa ciidamada Qalabka sida.

"Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya waa in ay ilaaliyaan dhex dhexaadnimadooda sida ku cad Dastuurka JFS  qodobkiisa 129-aad. Cidna looma ogolaan karo in ay ciidamada u adeegsadaan danahooda siyaasadeed. Waxaan ku jirnaa wakhti kala guur ah, waa in ciidamadu ilaaliyaan sharciga una hoggaansamaan xeerarka anshaxa ee CQS. Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waa in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasadda waana in aysan qaadan awaamiir walba oo hareer marsan sharciga" ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili khilaafka madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha uu sababay in ciidanka dowladda Soomaaliya la kala saf taan labada masuul ee ugu sareysa dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online