4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Ilhaan Cumar: Waa inuu iscasilo Farmaajo oo doorashada daahday si degdeg ah loo qabto
 

Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka koongareeska dalka Maraykanka ayaa ugu baaqday madaxweyne Farmaajo inuu iscasilo islamarkaana dalka doorasho degdeg ah laga qabto.

Ilhaan Cumar oo hadalkaan ku sheegtay qoraal ay kusoo qortay barteeda twitter-ka ayaa waxay ku sheegtay inuu muddo sanad ka hor ah dhamaaday muddo xilleedka madaxweyne Farmaajo.

"Farmaajo sanad ayaa ka soo wareegay markuu xilkiisii dhamaaday. Waxaa la joogaa wakhtigii uu meesha ka bixi lahaa, oo doorashada wakhtiga dheer soo daahday ay u qabsoonto sida ugu dhakhsaha badan," ayay tiri Ilhaan.

Hadalka Ilhan Cumar ayaa kusoo aaday saacaddo ka hor markii wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ay soo saartay qoraal ay ku sheegayso in ay tallaabo ka qaadayso kuwa carqalada ku ah wadada nabada Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa taageero u muujisay raysal wasaare Rooble dadaalkiisa ku aadan qabashada doorasho lagu kalsoon yahay.

Waxayna kasoo horjeesatay shaqo joojinta lagu sameeyay. iyadoo ka digtay hadalada warbaahinta la isku marinayo ee horseedayo kicin dadweyne.  


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online