4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Ciidamadii badbaado qaran oo dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho
 

Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Ciidamadii badbaado qaran ayaa xalay mar kale dib gudaha ugusoo galay magaalada Muqdisho, iyagoo saldhigyo ka sameystay degmooyinka Hodan iyo howlwadaag.

Sarkaalka ciidankan hoggaaminaya oo lagu magacaabo Gaylac ayaa sheegay in ay u yimaadeen sidii ay madaxweyne Farmaajo uga badbaadin lahaayeen dalka, sida uu yiri.

Sarkaalkan wuxuu sheegay in aysan dib u laaban doonin illaa ay ka xaqiijiyaan in ay dalka doorasho gaar siiyaan oo laga qabto cid kasta oo carqalad ku ah sida uu sheegay dadaalka uu wado raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

"Dalkan haddii wax dumayaan ama burburayaan waa wax aan dhamayn kiilo mitir, waa inta uu madaxweyne Farmaajo ku jiro. Annagaana ka saarayna hadduu alle oggolaado," ayuu yiri Gaylac.

Ciiddanka badbaado qaran ayaa bishii Abril ee sannadkaan ka hortagay muddo kororsi labo sano ah oo barlamaanka Soomaaliya uu ugu kordhiyay madaxweyne Farmaajo.

Qalalaase ka dhacay 25 abril, magaalada Muqdisho ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu ka laabtay muddo kordhinta, wuxuuna awoodda doorashada ku wareejiyay raysal wasaaraha.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online