4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu dooranayo magaalada Kismaayo
 

Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose lagu qabto doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay gobolka Jubba Hoose.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa shalay shaaciyay iney soo gabgabeeyeen diiwaan gelinta lixda musharax ee ku tartameysa kuraasta maanta doorashadoodu ka dhaceyso Kismaayo.

Lixda kursi ee Maanta doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Kismaayo ayaa kala aha HOP 82, HOP 108, HOP 113, HOP 134, HOP 203, HOP 217, waxaa ku tartami doona kuraasta lixda ah ee maanta lagu dooranayo Kismaayo ilaa 12 Musharax.

kursiga HOP-082 waxaa ku tartamaya Siyaad Aadan Iidle iyo Cabdirashiid Jire Qalinle, kursiga HOP 108, waxaa ku tartamaya Maxamed Cali Cumar iyo Ibraahim Cabdulle Ibraahim, halka kursiga HOP-113 waxaa ku tartamaya Saynab Cali Muganga iyo Maryan Aweys Jaamac oo ah Wasiirka Dekadaha Soomaaliya, kursiga HOP-134 waxaa ku tartamaya Sahra Jaamac Cali iyo Fartuun Axmed Yuusuf, kursiga HOP 203, waxaa isna ku tartamaya Xamse Cabdi Barre oo ah guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Jubbaland iyo Axmed Maxamed Maxamuud, halka kursi HOP-217 waxaa ku tartamaya Xasan Cabdi Ismaaciil Xasan Yare iyo Maxamed Farax Muxumed.

Kuraasta maanta lagu dooran doono Kismaayo ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee maamulka Jubbaland lagu doorto, waxayna Jubbaland noqonaysa maamulkii afaraad ee guda gala howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka waxaana haray maamulka Hirshabeelle iyo kuwa beelaha Banaadiriga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online