4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Madaxweyne Biixi: "Madaxweyneyaal badan la samayn maayo, xaraan bay ka tahay"
 

Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo  ka jawaabay hadalkii musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee ahaa "in madaxweynayaal badan iman doonaan hadii xisbiyo badan la furo", ayaa sheegay in Somaliland madaxweyne kaliya uun yeelan doonto, doorasho kastana wakhtigeda lagu qabanayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in anay jirin qadiyad dagaal iyo rabshad abuuri karta, waxaanu sheegay in ninka buuq doonaya ay kaligii ku koobnaan doonto.

"Arrinteena guduhu waa dood iyo tan ayaa tan ka wanaagsan, ninka halkaa dhaafinayow adiga hakugu koobnaato, Somaliland way kasoo waayo aragtay xisbiyo buuqa, xisbi meel u baxa oo yidhaa kasoo kacay, dadka maanta joogaa taa way ka koreen" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in doorasho walba wakhtigeeda la qabanayo, xisbiyadana la furayo, isla markaana Somaliland ay madaxweyne kaliya uun lahaan doonto, oo anay dhici doonin in qof kale uu madaxweyne isku caleemo saaro doorasho la'aan.

"'Dagaal iyo buuq iyo walahi in madaxweynayaal badan la samayn' madaxweyne qudha uun baa jiraye, madaxweyneyaal badan la samayn maayo, xaraan bay ka tahay, doorashooyinkana mid walba waa la qabanayaa oo waa qasab, xisbiyada waala furayaa madaxweynahana wakhtigiisa ayaa la dooranayaa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Musharaxa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa hadal uu jeediyay maalintii Khamiista ee 23 December, ku goodiyay in uu madaxweyne isku caleemo saari doono hadii ururada la furo.

Abdilahi Geel Maal, Hiraan Online
[email protected]