4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 28, 2021
Kooxda TPLF oo weeraro hor leh ku qaaday qaybo kamid ah degaanka Canfarta

Talaado, December, 28, 2021 (HOL) - Kooxda TPLF ayaa weeraro cusub waxay ku qaadeen qaybo kamid ah degaanka Canfarta, sida uu warbaahinta u sheegay masuul u hadlay dowlad degaanka Canfarta.

Weerarkan ayay kooxda TPLF waxay ku qaaday magaalada Cabcala oo u dhaw magaalo madaxda degaanka Tigray ee Maqale, wuxuuna masuulka u hadlay degaanka Canfarta uu sheegay in weeraradaas oo ahaa kuwo culus ay ku wax yeeloobeen dad shacab ah, isla markaana ay shacab badani ku barakaceen.

Dhanka TPLF ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxay, oo ku saabsan weerarka la sheegay in TPLF ay ku qaaday degaanka Canfarta.

Degaanka Canfarta ayaa waxa uu xuduud la wadaagaa degaanka Tigray, wuxuuna kamid ahaa degaankani Canfarta goobihii ay sida ba'an ugu dagaalameen ciidamada dowladda iyo kooxda TPLF, isagoo maalmahan kasoo kabanayay burburkii kasoo gaaray dagaalkaas u dhaxeeyay dowladda iyo kooxda TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]