4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Maraykan oo ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadayo kuwa carqalada ku ah wadada nabada Soomaaliya
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay  tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayay ku sheegtay in ay kasoo horjeedo shaqo joojinta raysal wasaare Rooble ayna taageerayso dadaalkiisa ku aadan qabashada doorasho degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.

"Isku dayga shaqo joojinta ee Ra’iisul Wasaare Rooble, waa wax laga naxo, waxaana taageeraynaa dadaalkiisa doorasho degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.  Dhammaan dhinacyadu waa in ay ka waantoobaan ficillada iyo odhaahyada kicinta ah," ayay tiri waaxda arrimaha dibadda maraykanka.

Hadalka kasoo baxay dowladda Maraykanka oo ay ka muuqato farriin hanjabaad ah, ayaa kusoo aadaya iyadoo uu khilaafkii ugu xumaa ka dhex taagan yahay madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble.

Labada dhinac ayaa lagu eedeynayaa in ay abaabul ciiddan oo iskasoo horjeeda ka wadaan magaalada Muqdisho, iyada oo  laga cabsi qabo in khilaafkoodu uu isku beddelo gacan ka hadal iyo colaad sokeeye.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online