4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Madaxtooyada Soomaaliya oo been abuur ku tilmaamtay eedayn kasoo baxday raysal wasaare Rooble
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay hadal kasoo baxay raysal wasaare Rooble, kaasoo madaxweyne Faraamjo ku eedeeyay inuu isku dayay afgambi uu kula wareegi lahaa talada dalka.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed  Xaashi ayaa sheegay in laga been abuurtay ciiddanka madaxtooyada qaranka oo uu sheegay in lagu tilmaamay in ay isku dayeen in ay afgambiyaan xafiiska raysal wasaare Rooble.

"Wixii maanta dhacay waxay ahaayeen, wasiirrada qaar ayaa waxay isku dayeen iyagoo ciidankooda wata in ay madaxtooyada gudaha usoo galaan, guutada madaxtooyada ayaa arrintaas diiday," ayuu yiri agaasime Cabdirashiid Xaashi.

Agaasimaha warfaafinta wuxuu sheegay eedaynta raysal wasaare Rooble in ay tahay mid uu ku daboolayo sida uu hadalka u dhigay fashilka ku yimid doorashada iyo dacwadda musuq maasuqa hantida ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Xaashi wuxuu si toos ah ugu eedeeyay raysal wasaaraha inuu ku tagri falay hantida ciiddanka xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay raysal wasaaraha inuu kiiskaas iska difaaca, halkii uu tallaabooyin kale qaadi lahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online