4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Raysal wasaare Rooble "Talaaboyinka madaxweynahii hore waxay ahayeen isku day afgambi oo bareer ah"
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhaw si adag uga hadlay talaabooyinkii saacadahii ugu dambeeyay uu qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee la xiriirtay shaqa joojinta iyo ciidankii la duldhigay Xafiiskiisa.

Raysal wasaare Rooble ayaa ku tilmaamay go'aanada kasoo baxay Farmaajo iney ahayeen dhamaantood kuwa baal marsan sharciga iyo dastuurka dalka, islamarkaana uusan u dulqaadan doonin in lagu xadgudbo sharciga dalka.

"Talaabooyinka uu qaaday qaaday madaxweynahii hore wuxuu ahaa isku day bareer ah oo lagu afgambinayay dowladninada, dastuurka iyo shuruucda dalka, Farmaajo inuu ku xadgudbay shuruucda dalka ka sokow waxa uu saakay weerar bareer ah kusoo qaaday Xafiisyada raysal wasaaraha iyo Golaha wasiirada si uu uga hor istaago gudashada waajibaadkooda qaran" ayuu yiri raysal wasaare Rooble.

Rooble ayaa intaasi ku daray in ujeedka Farmaajo uu ahaa carqaladeynta doorashada dalka, isagoona doonaya inuu si sharci daro ah usii joogo Xafiiska, waxaana uu is barbardhigay isku daygii muddo kororsiga ee biahii April 2021 balse fashilmay markii dambe sida uu hadalka u dhigay raysal wasaare Rooble.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale faray saraakiisha ciidamada dowladda iney ka amar qaataan xafiiskiisa, isagoona ugu hanjabay cidii u hogaansami weyda inuu ka qaado talaabo sharci ah.

"Waxaa farayaa dhamaan ciidamada qalabka sida inay si toos ah uga amar qaataan Xukuumadda cidii ka hor imaatana waxaan si deg deg ah ula tiigsan doona sharciga" ayuu yiri Rooble.

Raysal wasaaraha ayaa mudada uu hadlaayay waxa uu si toos ah u adeegaanaayay erayga madaxweynahii hore, isagoona sheegay inuu yahay Musharax aanan waxba ka duwaneen musharaxiinta kale.

Gabagabadii Raysal wasaaraha ayaa sheegay in shirkii Golaha wadatashiga qaranka uu iclaamiyay aysan waxba iska badalin lana qaban doono ayna kasoo qeyb gali doonaan dhamaan madaxda Golaha wadatashiga qaranka.

Hadalkaan kasoo baxay Rooble ayaa imaanaya xili khilaaf noocii ugu darnaa uu ka dhex qarxay madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda oo haatan maraya halkii ugu sareeysay abid.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online