4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Wasiir Alcaddaala : Waxaa laga hortagay isku day afgambi oo uu Farmaajo damacsanaa
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo kamid ah xubnaha dowladda ee aad ugu dhow raysal wasaare Rooble, ayaa sheegay in laga hortagay iskuday afgambi oo uu damacsanaa madaxweyne Farmaajo.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta oo wareysi siinayay BBC Somali ayaa sheegay in ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya ay isku dayeen in ay xoog kula wareegeen xafiiska raysal wasaaraha.

Alcaddaala wuxuu sheegay madaxweyne Farmaajo in uusan lahayn sharciyad uu haatan raysal wasaaraha shaqada uga joojin karo, isagoo tilmaamay cidda sharciyada haysata inuu yahay raysal wasaaraha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiir ku xigeenku in madaxtooyadu dagaal kula jirto qabsoomida shirka golaha wadatashiga qaran oo maanta ay ku beegnayd xilligii loo asteeyay inuu ka dhaco Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online