4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo sheegay go'aannada madaxweyne Farmaajo inay halis ku yihiin xasiloonida dalka
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay go'aannadii uu qaatay Madaxweyne Farmaajo kuwo halis ku ah jiritaanka dowladnimada iyo xasiloonida Dalka.

Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay dalku inuu xalkiisu ku jiro oo kaliya dhammaystiirka doorashadii lagu heshiiyay, lana saxo wixii ka khaldan, taasoo loo igmaday hoggaaminteeda Raysal wasaare Maxamed Xusseen Rooble.

"Talaabooyinka khaldan ee hareermarsan sharciga oo horseedi kara qalqal siyaasadeed, cidna looguma dulqaadan karo, waxaana ugu baaqeynaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in uu dib uga joogsado faragelinta arrimaha Doorashada," ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa isagana cambaareeyay wuxuu ku tilmaamay afgambiga milatari oo uu sheegay inuu isku dayay madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay in  Ummadda Soomaaliyeed ay feejigan tahay.

"Waxaan ku baaqayaa ilaalinta sharciyadda dimuqaraadiga ah ee uu dalka ku dhisan yahay & garab istaagga Ra'iisul Wasaaraha si dalka looga hirgeliyo doorasho," ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta laga dareemayaa kacsanaan kadib go’aannadii xalay kasoo baxay madaxweyne Farmaajo oo shaqada ka joojiyay raysal wasaare Rooble. Inkastoo uu raysal wasaare Rooble arrintaas ka horyimid.

Taliyayaasha ciiddamada iyo xubno katirsan xukuumada ayaa wada dadaallo ku aadan sidii looga hortagi lahaa inuu khalalaase ka dhasho khilaafka madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online