4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Raysal wasaare Rooble oo war kasoo saaray shaqo joojinta lagu sameeyay iyo ciidamo Xafiiskiisa la duldhigay
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka jawab celiyay war qoraal ahaa oo uu madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay inuu shaqo joojin uu ku sameeyay raysal wasaare Rooble iyo waliba ciidan la duldhigay xafiiskiisa.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa talaabooyinka uu qaaday saacadahii lasoo dhaafay iney yihiin kuwa baal marsan Dastuurka dalka, islamarkaana uu bilaabay inuu awood ciidan kula wareego Xafiiskiisa wax walba oo masuuliyad daro ah oo yimaada uu dusha saaran doono madaxweyne Farmaajo.

"Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha  iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo"ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale sheegay iney ka go'an tahay sii wadashada shaqadiisa uusan marnaba gudashada waajibaadkiisa shaqo cidna uga heybeysan doonin.

"Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska raysal wasaare Rooble.

Si kastaba ha ahaatee 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay waxaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaayay khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble oo ugu dambeyn sababay in gudaha madaxtooyada laga dareemo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo cabsi badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online