4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ku amray taliyaha ciiddanka xoogga dalka inuu shaqada ka joojiyo taliyaha ciiddanka badda
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa faray taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa, in uu shaqada ka joojiyo taliyaha ciidanka Badda Jeneraal Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Shaqo ka joojintan ayuu madaxweyne Farmaajo ku tilmaamay mid muhiim u ah dhammeystirka baaritaanka tuhunka ku takrifal dhulka dan guud ah oo taliyaha ciidanka baddu uu usoo jeediyay raysal wasaare Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka sida inay ku fara-adeygaan dhulka Danta guud taas oo sida uu sheegay aas-aas u ah howl gudashadooda.

Shaqo joojinta uu amray madaxweynuhu in lagu sameeyo taliyaha ciiddanka badda, waxaa kasii horreysay shaqo joojin uu madaxweynuhu ku sameeyay raysal wasaare Rooble.

Raysal wasaare Rooble ayaa shaqada laga joojiyay tan iyo inta lagasoo gabagabeynayo baaritaanka tuhunka musuq maasuqa dhuleed oo uu kusoo eedeeyay taliyaha ciidanka badda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online