4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 27, 2021
Guddoomiyaha Aqalka sare oo ku baaqay inaan dalka loo horseedin khalalaase siyaasadeed
 

Isniin, December, 27, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo war qoraal ah oo uu soo saaray ku baaqay inaan khalalaase siyaasadeed oo amni darro horseeda aanan dalka la galinin.

Senatar Cabdi Xaashi oo sidoo kale ka jawaab celinaayay hadalkii guddoomiye Maxamed Mursal ayaa ku tilmaamay mid baal marsan sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalo, islamarkaana uu ahaa mid lagu qalqal galinaayo xasilooni daro siyaasadeed oo halis ku noqon karta dalka.

Waxaa sidoo kale uu sheegay guddoomiye Xaashi in hogaanka doorashada ay leeyihiin Golaha wadatashiga Qaranka oo uu hoggaamiyo raysal wasaaraha xilgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos ka aqriso Qoraalka guddoomiye Cabdi Xaashi.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online