4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Raysal wasaare Rooble oo xilalkii u kala badalay wasiirada Gaashaandhiga iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya
 

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilalkii u kala wareejiyay laba ka mid ah golahiisa wasiirada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Raysal wasaare Rooble ayaa xilalkii waxaa loogu kala badalay wasiiradda Cadaaladda iyo Gaashaandhiga, Cabduqaadir Maxamed Nuur oo horay u ahaa wasiirka Cadaaladda ayaa loo wareejiyay xilka wasiirka Gaashaandhiga, halka wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xasan Xuseen Xaaji isana loo badelay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.

Raysal wasaare Rooble ayaa faray labada wasiir ee uu u kala badalay labada wasaaradood iney sida ugu dhaqsiyaha badan ula kala wareegaan labada wasaaradood.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in xiligaan oo khilaaf aad u culus ka dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare xilalka loo kala wareejiyo labadan wasiir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online