4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka
 

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula yeeshay aalada fogaan araga wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka dhexmaray Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaalada siyaaaadeed ee dalka iyo dardar galinta howlaha doorashooyinka, shirka golaha wadatashiga Qaran ee lafilayo in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Raysal wasaaraha ayaa la sheegay inuu u xaqiijiyay Beesha Caalamka shirka ka furmaya Muqdisho in diirada lagu saari doono ilaalinta doorasho hufan iyo sixitaanka ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo waliba soo saarista jadwal uu ku cadyahay waqtiga lasoo gabagabeyn doono doorashada dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa la sheegay in dhankooda si wadajir ah ay u bogaadoyeen dadaalka uu wado raysal wasaaraha Soomaaliya ee ku aadan sidii doorashada u noqon laheyd mid daahfuran oo lagu wada kalsoonaan karo.

Wakiilada ayaa sidoo kale bogaadiyay kulamadii uu Rooble la qaatay midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya iyo Ururda bulshada rayidka ah, waxaana kulankan dhexmaray Raysal wasaare Rooble iyo wakiilada Beesha Caalamka uu imaanaya xili khilaaf cirka isku sii shareeraya uu ka dhex aloolsan yahay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online