4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo taageero u kala muujiyay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble
 

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Warsaxafadeedyo kasoo kala baxay xafiisyada madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayay ku kala sheegeen labada maamul inuu midna ka qeyb galayo shirka raysal wasaaraha uu iclaamiyay, midna uu diiday ka qeybgalka shirkaasi.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Maxamed Xasan ayaa isagu si cad u sheegay inuusan ka qeyb galeynin shirka uu iclaamiyay raysal wasaare Rooble, isagoo tilmaamay in lagu xadgudbay madax banaanida guddiga xalinta khilaafaadka oo 7 xubnood laga eryay iyo guddiga doorashada heer Fedaraal oo la kala qeybiyay

"Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay. Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Koofur Galbeed.

Dhinaca kale warsaxafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu sheegay in maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay raysal wasaare Rooble iyo waliba dardar gelinta howlaha doorashada dalka.

"Waxaa meel wanaagsan maraya dadaalada ay Guddiga Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ay ku bilaabayaan doorashooyinka xubnaha golaha shacabka  ee baarlamaanka Federaalka ah oo si wanaagsan uga socda Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland. Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jubbaland.

Sikastaba ha ahaate in maamulada ay ku kala qeybsamaan ka qeybgalka shirka raysal wasaaraha uu iclaamiyay ayaa imaaneysa xili khilaaf adag uu soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Rooble waxaana dhacda in marwalba uu khilaaf soo kala dhexgalo labada masuul in madaxda maamulada ay la kala saftaan labada dhinac, waxaa dhiman ka hadalka ka qeybgalka iyo diidmada shirka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle oo iyagana loo maleeynayo iney la safan doonaan madaxweyne Farmaajo oo ay diidi doonaan ka qeybgalka shirka uu iclaamiyay raysal wasaare Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online