4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Puntland oo sheegtay inay ka qeyb galayso shirka raysal wasaare Rooble uu ku baaqay
 

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in ay diyaar u  tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaaminayo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida lagu sheegay qoraal kooban oo goor dhowayd kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Puntland waxay sidoo kale sheegtay in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada golaha shacabka si waafaqsan heshiisyadii golaha wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.

Puntland waa maamulkii ugu horreeyay ee mowqifkiisa ku caddeeya in ay ayidsan yihiin shirka uu bayaamiyay raysal wasaaraha Soomaaliya, waxayna arrintan sidoo kale dhabar jab ku tahay baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa in dowlad goboleedyadu isugu yimaadaan shir wadatashi.

Golaha wadatashiga qaran ayaa laga yabaa in ay ku kala qeybsamaan labada shir ee ay ku kala baaqeen madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, waxayna arrintaan dib usoo celin kartaa khilaafkii horey doorashada u cuuryaamiyay.

Labada masuul ee dalka ugu sarreeya ayaa xafiisyadooda kasoo saaray warqado uu midba midka kale ku eedeynayo caqabadaha doorashada hortaagan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online