4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 26, 2021
Shirkii golaha wadatashiga ee uu raysal wasaare Rooble ku baaqay oo dib u dhacay
 

Axad, December, 26, 2021 (HOL) - Shirkii raysal wasaare Rooble uu ku baaqay inuu ka dhicidoono magaalada Muqdisho oo ay isugu imaan lahaayeen golaha wadatashiga qaran, ayaa dib u dhacay, sida HOL xogta ku helayso.

Lama oga baaqashadiisa inuu xiriir laleeyahay qoraalkii xalay kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, oo lagu sheegay in raysal wasaare Rooble uu ku guul daraystay hoggaaminta doorashada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa isagu ku baaqay in dib loo dhigo shirka wadatashiga muddo todobaad ah, si uu xal uga gaaro colaadda ka taagan magaalada Boosaaso.

Warar aan helayno waxay sheegayaan inuu raysal wasaaraha Muqdisho ka wado kulamo gaar gaar ah oo uu la leeyahay guddiga doorashada, isagoo la filayo inuu soo saaro jawaab ka dhan ah warkii madaxtooyada kasoo baxay.

Mucaaradka ayaa raysal wasaaraha ugu baaqay inuu qaato go’aan uu ku difaacayo daah furnaanta doorashada, waxayna kula taliyeen inuu ka dhabeeyo qabashada shirka golaha wadatashiga qaran.

Waa khilaafkii labaad oo madaxweyne Farmaajo iyo raysal wasaare Rooble dhexmaraya, waxaana khilaafkan uu kusoo aadayaa iyadoo dalka ay ka socoto doorashada aqalka hoose.

Doorashada ayaa hakad ku timid, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay guddiyada doorashada oo laftooda u kala jabay dhinaca raysal wasaaraha iyo madaxweynaha, sida aan xogta ku helayno.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online